Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulada Daaru-taqwa iyo Sheekh Caanoole ayaa galabta isku arkay ku kulankii ugu dambeeyay afar dhamaadka Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, kaasi oo si toos uga socda xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala.
Labada iskuul ayaa la soo shir tagay min 5 Arday oo ay hoggaaminayaan macalimiintooda, waxaana iskuul walba la weydiiyay min 6 su’aal oo ay xaqa u lahaayeen.
Jaamacadda Banaadir ayaa taabagelineya Tartanka Dugsiyada sare ee Idaacadda Risaala, taasi oo abaalmarineysa iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartankan.
Inta uu Tartanka socday ayaa labada iskuulba waxa ay soo bandhigeen Tartan aad u qurxoon, maadaama iskuul walba uu doonayay inaan dhinaciisa dhulka la dhigin.
Ugu dambeyn Iskuulka Daaru-taqwa oo keensaday 10 dhibcood ayaa iska xaadiriyay kama damebysta Tartankan, kadib markii uu ka adkaaday Sheekh Caanoole oo la keensaday 4 dhibcood.
Xasan Cabdi Axmed oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada Tartankii galabta dhexmaray labada iskuul.
Maalinta berri ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 21-ka Juun ayaa waxaa Finalka Tartankan ku isku arki doona Iskuulada Abii-xaniifa iyo Daaru-taqwa, kuwaasi oo ku guda jira diyaar garowgoodii ugu dambeeyay.
Munaasabad kooban oo ka dhici doonta xarunta dhexe ee Risaala ayna ka soo qeyb gali doonaan Maamulada Idaacadda Risaalada iyo Jaamacadda Banaadir ayaa waxaa lagu abaalmarin doonaa labada iskuul ee kaalmaha koowaad iyo labaad ka gala Tartankan.



