DHAGEYSO: Culimadda Muqdisho oo ka digay Biyaha wasaqeysan ee buuxa wadooyinka Muqdisho

Kadib markii biyo wasaqeysan  &qashin ay buux dhaafiyeen wadada horumarta Masjidka Xareed, islamarkaana Maamulka Degmada Hawlwadaag & Gobolka Banaadir ay wax ka qaban waayeen oo ay gabeen doorkii dowladeed ee ka saarnaa hagaajinta wadadaasi, ayaa Culimadda Muqdisho qaarkood waxa ay u kaceen Bulshada inay ku baraarujiyeen hagaajinta wadadaasi.

Culimo uu horkacayo Sheekh Cabdul Xayi oo ka mid ah wadadaada ku nool Muqdisho ayaa shalay tagay wadada Masjidka Xareed, islamarkaana halkaasi ka jeediyay baaq furan oo ku aadan Bulshada inay isku tashtaan ayna u istaagaan soo celinta nadaafadda wadada masjidka Xareed.

Sheekh Cabdi Xayi Shekh Aadan ayaa sheegay dadka Somaliyed dal & dibad meesha ay joogaan inay u istaagaan door inay ka qaataan nadaafadda wadada Masjidka Xareed oo ah wado muhiim u ah ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Macalin C/raxmaan oo ah wadaadka gacanta ku haayo masjidka Xareed ayaa sheegay inay halis ugu jiraan xaalad caafimaad daro inay ka dhalato wadada masjidka Xareed, marka la eego nadaafad darada & Biyaha Wasaqeysan ee halkaasi buuxa.

Sheekha ayaa sheegay in cibaadada masjidka xittaa ay saameyn ku yeesheen biyahaasi wasaqeysan & qashinka wadada masjidka Xareed ee Degmada Hawlwadaag buuxa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dadaala kaliya nadaafadda wadada ay maraan madaxda dowladda Federalka Somaliya, taasi bedelkeedana waxaa xirmay wadooyin badan oo muhiim u ah isticmaalka Bulshada, kuwaasi oo aysan jirin cid masuuliyad iska saartay.

Wadooyinka xaalada adag hadda ay ka jirto ee isticmaalka gaadiidka ay ka go’een ayaa waxaa ka mid ah Wadada isku xirta Fagax iyo Ex Kontarool Balcad waxaa gooyay wasaq iyo nadaafad darro, sidoo kale wadada Siisii xaalad noocaas ayaa ka taagan, halka wadada isku xirta Black Sea & Isgoyska Bakaaraha aysanba marin gaadiidka nadaafad daro awgeed.