Jowhar-RisaalaFM- Maxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble oo ka hadlayay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Hirshabeelle waxa uu sheegay xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi in aysan habooneyn in ay ka soo horjeetsaan Golaha Wasiirada dhowaan uu magacabay, hadii xildhibaan kasta uu iska dhex waayay Liiska.
Cali C/laahi Cosoble Maxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa xildhibaanada Baarlamaanka faray in ay qabtaan shaqooyinka horyaalla islamarkaana Guddoyada kala duwan ee Baarlamaanka loo baahan yahay in ay ku mashquulaan arrimaha sharciyada kala duwan ee horyaalla.
Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sidoo kale sheegay Beelaha aanan helin xilalka Wasiirnimo inay heli doonaan jagooyin kale, sida Agaasime Guud iyo xilal kale sida uu yiri.
Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa balan qaaday in dadka ka soo jeeda Maamulka Hirshabelle loo sameyn doono shaqo abuur ku aadan sidii dhalinyarada ay uga faa’iideysan lahaayeen shaqooyinka maamulka uu soo bandhigi doono.


