DHAGEYSO: Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb-RisaalaFM- Ciidanka Itoobiya ayaa maanta waxa ay baneeyeen qeybo ka mid ah Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gooblka Galgaduud, iyaga oo u ruqaansaday wadanka Itoobiya.

Wariyaha Risaala ee ku sugan Galgaduud ayaa soo sheegaya in Ciidanka Itoobiya oo saldhigooda ugu weyn ku lahaa Degmada Dhuusa-mareeb, ay faarujiyeen, kuwaas oo ugu dambeyntii u gudbay dhanka xuduuda Itoobiya ay la leedahay Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wariyaha Risaala Ciidanka Itoobiya intooda badan in ay ka baxeen Galgaduud, inyar oo keliyana ay ku hareen, kuwaasi oo iyaga xitaa laga cabsi qabo in ay baxaan.

Dhowaan ayay aheyd markii Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka Howgalka AMISOM ay baneeyeen Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo durbadiiba ay la wareegeen ururka Al-Shabaab.