DHAGEYSO: Ciidamo Isugu jira Caddaan iyo Soomaali oo la wareegay Magaalada Badhaadhe

Degmada Badhaadhe oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose ayaa saaka waxaa la wareegay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo taageero ka helaaya ciidamo Caddaan ah sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka dowladda.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa laga saaray Magaalada , waxaana hadda si buuxda gacanta ku haya ciidamada maamulka Jubbaland.

Dagaal kooban oo ka dhacay Magaalada ayaa waxaa ku dhintay 1 qof oo dumar ah sidoo kale kalena waxaa ku dhaawacmay 4 qof kale.

Al-Shabaab hadda joogga meel degmada Badhaadhe u jirta 20 KM.

Xasan Aadan Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka la wareegay Magaalada  Badhaadhe hogaaminaysa ayaa Risaala u sheegay in ay gacanta ku hayaan degmada , islamarkaana ay Al-Shabaab ka saareen.

Degmada Badhaadhe ayaa waxaa gacanta ku hayay sanadyadii ugu dambeeyay Al-Shabaab.