DHAGEYSO: Ciidamada Liyuu Boolis oo gudaha u soo Galay gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay yimaadeen ciidamo ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya , waxaana la sheegaya in ay wataan Gadiid dagaal.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa la sheegay in wataan labo Gaari oo dagaal , islamarkaana ay dhibaato ku hayaan bulshada kunool degmada Balanbal.

Gudoomiyaha degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud Jaamac Xayle Maxamuud ayaa u sheegay Risaala in ciidanka Liyuu Boolis ay Fariisin ka sameysteen duleedka Magaalada.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka aysan kusoo wargelin maamulka sababta ay  u yimaadeen degmada.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in ay dhibaato u geystaan dadka reer miyiga ah ee kunool gobolka Galgaduud.