Ciidamada Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo Ammanka waxa ay ka wadaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Taliyaha Ciidamada Booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Shiine Macalin Nuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in had iyo jeer Sameeyaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay dhawaan in ay bilaabi doonaan howlgallo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab.
Shiine Macalin Nuur ayaa Shacabka kunool degaanada Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska.



