AMISOM oo beenisay in Askar laga dilay

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beeniyay War kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadana in Shan Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Uganda lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka Magaalada Afgooye.

War kasoo baxay Ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in Qarax miino lala eegtay Mid ka mid ah Gaadiidka dagaal AMISOM ,islamarkaana aysan jirin khasaare soo gaaray Ciidamo AMISOM.

Sidoo  kale waxa ay sheegeen in qeybtooda u qaabilsan Miinooyin ay furfureen Miinooyin Al-Shabaab ay dhulka ku aaseen.

War jimcihii kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Qarax ay la eegteen Ciidanka AMISOM in ay kudileen 5 Askari.