DHAGEYSO: Ciidamada Kenya oo lacag ka qaadaya Shacabka Baledxaawo

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa dadka shacabka ah ee ka gudbaya xuduuda u dhaxeysa Kenya iyo Somaliya inay ka qaadayaan lacag, waxayna arintaasi dhalisay walaac.

Magaalooyinka Mandhera iyo Baled Xaawo oo isa saaran ayaa dadka Baled Xawo waxa ay u waxbaarasho iyo adeeg doontaan Magaalada Mandhera, balse ciidamada Kenyan-ka ayaa la soo sheegayaa in haddda lacag dhan nus doolar ay ka qaadayaan qofkii u gudbaya dhanka madhera.

Nabadoon Cali Bidaar  oo ka mid ah Odayaasha Degmada Baled Xaawo ayaa ka waramaya lacagaha laga qaado dadka Mandhera u gudbaya.

 Shacabka Degmada Baled Xaawo, ayaa walaac ka muujiyay arintaan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay maamulka Gobolka Gedo inay soo farageliyaan dhibaatooyinka Baled Xaawo ka taagan.