DHAGEYSO: Ciidamada dowlada oo qabtay dhalinyaro Al-shabaab lala xiriirinayo

Baaritaano ciidamada dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dhalinyaro lagu tuhmayo iney ka tirsan Al-shabaabkii habeen hore weeraray degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa ciidamada dowlada Soomaaliya waxay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo Al-shabaab weeraro ay ka gesyteen habeen hore.

Ibraahim Aadan Najax, oo ah gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen ilaa seddex ruux oo lagu eedeynayo iney qeyb ka ahaayeen Al-shabaabkii weeray degmada Afgooye.

Deegaanada Sabiib, Caanoole iyo Mareereey ayuu sheegay gudoomiyaha in ciidamada ay baaritaanada ka sameeyeen, baaritaankaasi oo lagu baadi goobayay Alshabaab, sida uu sheegay gudoomiye Najax.

Seddexda dhalinyarada ee lasoo qabtay ayuu gudoomiyaha Shabeelaha Hoose iney wateen hubkooda taasi oo cadeyneysa iney Alshabaab ahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.