DHAGEYSO: Cabdi Qeydiid oo fariin adag u diray dowladda Mareykanka

Madaxweynihii ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka looga baahan yahay in ay jawaab ka bixiso duqeyntii loo geystay ciidankii Galmudug ee ku sugnaa duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Cabdi Xasan Cawaale ayaa sheegay in si weyn uga xun yihiin in dowladda Mareykanka ay wali ku adkeysato in ay dishay Shabaab xilli la dhibaateeyay ciidanka Galmudug sida uu sheegay Cabdi Qeybdiid.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn in ay dagaal ku qaadaan dariskooda oo uu la jeeday maamulka Puntland laakiin ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan wada noolaashaha bulshada kunool Gobolka Mudug.