DHAGEYSO: Burcad dhac ka geysata Howlwadaag

Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay xilliyadii habeenkii in ay jiraan kooxo hubeysan oo dhac u geysta dadka shacabka ah ee ku nool Degmada iyo dadka halkaasi ku ganacsada.

Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag Ciise Maxamed Guure oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay ku daba jiraan kooxaha dhaca ka geysta xilliyada habeenkii Degmada Howlwadaag.

Sidoo kale Ciise Maxamed Guure Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag waxa uu sheegay kooxaha dhaca geysta in ay ku lebisan yihiin Dareeska Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir Ciise Maxamed Guure ayaa waxa uu sheegay in ay cadaalada horkeeni doonaan kooxahan hadii ay gacanta ku soo dhigaan.