Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanada maamul goboleedyada dalka ayaa sameysanayo madal ay ku wada shaqeeyaan oo ay ku wada xiriiraan.
Sidoo kale baarlamaanada ayaa ka wada shaqeyn doono hormarinta golayaasha baarlamaanka iyo sidii ay iskaaga kaashan lahaayeen ansixinta sharciyada dalka.
Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku af gartay in la dhiso madal ay ku wada xiriiraan baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanada maamul goboleedyada.
Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir loogu hadlaayay dhameystirka dastuurka dalka oo uu shir gudoominaayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari, waxaana kulankaasi ka qeyb galay gudoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada dalka.


