In ka badan kun qoys oo barakacayaal cusub ah ayaa 6’dii maalin ee ugu dambeysay waxa ay soo gaareen deegaanka garasabaaleey ee duuleedka magaalaada Muqdisho.
Dadkaan soo barakacay ayaa waxa ay isugu jiraan Haween qaarkood inta muqdisho ay usoo socdeen dhex kuso umulay, caruur iyo dad da’ah kuwaas oo ay ka muuqato sameenta ay ku yeelatay abaarta.
Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada deegaanka Garas-baaleey ee duuleedka magaalaada Muqdisho cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay kaamka ay dadkaasi ku suganyihiin ee Alla fuuto ayaa waxa uu sheegay in deegaanka Garas-baaleey ay soo gaareen kun iyo shanboqol qoys oo cusub.
Waxa uu intaa ku daray in dadkaasi ay yihiin kuwo qaba dhibaatooyin kala duwan waxa uuna dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha deeq bixiyeyaasha ah ugu baaqay in dadkaasi ay gargaar lasoo gaaraan.
Qaar kamid ah dadka soo barakacay ee soo gaaray duuleedka magaalada Muqdisho oo la hadalay idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen in ay kasoo barakaceen abaaro iyo dagaalo ka dhacay degaanadii ay ku noo laayeen.
Waxa ay sheegeen in ay heyso hoyi la’aan ayna ka maqanyihiin waxyaabihii nolosha aasaasiga u ahaa sida biyo iyo cuno, waxaa ayna ugu baaqeen dowladda Soomaaliya, hay’adaha samafalka iyo shacabka somaliyeed in ay gurmad u fidiyaan.
Degaanka Garas-baaleey ee duuleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku yaalaan kaamam waa wayn kuwaas oo ay ku noolyihiin kumanaan qoys oo kaso barakacay dagaalada, fatahaadaha webiyada Shabeelle iyo Jubba iyo abaarihii kala duwanaa ee kudhuftay qaar kamid ah gobalada dalka.




