DHAGEYSO: Balwaan oo dhowaan Soomaaliya imaan doona

Muqdisho-RisaalaFM- Aflaanta Hindiga waxaa ay ka mid yihiin kuwa ay aadka ay u daawadaan Soomaalida, meel walba oo ay ku nool yihiin.

Sunil Shetty oo Soomaalida ay u yaqaanaan (Balwaan) ayaa waxa uu sheegay in markii hore uusan u heysan Soomaalida in ay taageeraan, balse hada uu ogaaday.

Waxa uu sheegay Balwaan in loo bixiyay filimkiisii ugu horeeyay ee uu jilo, waxaana u bixiyay filimka ninkii iska lahaa oo soo saaray, waxaana Balwaan micnaheeda la yiraahdaa (awood).

Balwaan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay Soomaalida in ay yihiin dad jecel Musikada, Shaleemooyinka iyo Filimada, waana dad faraxsan oo leh wadan qurux badan.

Waxa uu sheegay Soomaaliya dhowaan in uu booqan doono, sidoo kalena uusan aheyn kaligiisa oo ay jiraan Aktaro badan oo daneynaya in ay booqdaan Soomaaliya.

Sunil Shetty oo Soomaalida ay u yaqaanaan (Balwaan) ayaa sheegay in uu ogyahay dad badan oo taageera, maadaama mar walba oo uu safro uu arko dad badan oo sawiaradiisa wata.