Dhageyso:-Axmed Qoor Qoor oo isku sharaxay Madaxweynaha Galmudug balan qaadna sameeyay

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor ) Wasiiru dowlaha Wasaaradda howlaha Guud iyo Guryeynta  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamul galmudug.
Munaasabad loogu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaliya Cali Maxamed Geedi , Xildhibaano katirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya , Siyaasiyiin xilal horay uga soo qabtay dalka , Culuma udiin, waxgarad ,haween , iyo Dhalin yaro.
Gudoomiyaha gudiga dib u eegista Arrimaha Dastuurka  ee labada Gole ee Baarlamaanka Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo marti Sharaf kale.
Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Munaasabadda ka hadashay balan qaaday in hadii Qoor Qoor uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Galmudug ay  ku garab istaagi doonaan.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa Goobta waxa uu ka sheegay in Galmudug ay u baahan tahay masuul waqti walba u Shaqeeya xilkana loogu adeego bulshada.
Musharax Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor ) Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Boqolaal qof ay dadtiis munaasabadda u tageen ayaa goobta   kaga dhawaaqay in uu sharaxan yahay qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka  Galmudug.
Sidoo kale Musharax Qoor Qoor ayaa waxa uu balan qaaday in hadii uu ku guuleysto qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug uu wax ka qaban doono Arrimo ay ka mid yihiin Amniga ,Siyaasadda iyo dhaqaalaha oo baahi badan ay u qabaan Shacabka Galmudug.
Boqolaalkio Ruux ee ka qeyb gashay Munaasabadda oo u badnaa mas’uuliyiin ayaa soo dhaweeyay musharaxnimada Axmed Qooq Qoor,iyaga oo sheegay inay garab taagan yihiin.