Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan qorshooyin iyo howlgalo ay Ciidamada Jubbaland kula wareegayaan magaalada Bu’aale oo ah Caasimadda maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamadii la wareegi lahaa magaalada Bu’aale isla markaana ay Al-Shabaab ka saarayaan magaaladaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in gacanta maamulkooda ay so gasho magaalada Bu’aale isla markaana ay ku dadaalayaan iney soo celiyaan.
Magaalada Bu’aale ee Xarunta gobolka J/Dhexe ayaa waxaa iminka ka taliya Ururka Al-Shabaab oo sanado badan maamulaya magaaladaasi.
Dastuurka maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku qoran in magaalada Bu’aale ay tahay Caasimadda maamulka Jubbaland, waxaana wali magaaladaasi ka taliya oo gacanta ku haya Xarakada Al-Shabaab.


