Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilsan shirka dib u hishiinta ah ee dhawaan madaxweynaha maamulka Jubbaland uu ka furay magaalada Kismaayo.
Xildhibaan Maxamuud Cali Magan iyo xildhibaano kale oo kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu shirka Kismaayo iskugu geeyay xubno matalayo beelo daga gobolka oo aan ka hadli dhibaatada lagu hayo.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dadka shirka ka qeyb galaya uu ku amray ineysan ka hadlin dhibaatada maamulkaasi ay ka tabanayaan oo uu sheegay iney kamid tahay dilal magaalada ka dhacay iyo hanta boob lagu sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.
Axmed Madoobe ayaa dhawaan shirkaasi ka furay magaalada Kismaayo ,kaasi oo ah mid lagu hishiisiinayo maamulka Jubbaland iyo mid kamid ah beelaha daga gobolka Jubbada Hoose.


