DHAGEYSO: Arday wax ka bartay qeybta Masterka Jaamacada Islaamiga oo difaacday buugiisa

Abuubakar Macalin Qaasim oo ah arday dhameeyay Jamacada Islaamiga ah ayaa maanta difaacday buugiisa qalin jabinta  Masterka ee Jamacada Islaamiga  isagoona buugiisa ka soo diyaariyay dilka waxa uu ka qabo Islaamka.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta Jaamacada Islaamiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta jaamacada, profesaro, iyo qeybaha kale ardayda Jamacada Islaamiga ah.

Abuubakar ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay heerarka uu soo maray diyaarinta buugiisa qalin jabinta masterka ah ee Jaamacada Islaamiga ah.

Maamulaha Jaamacada Islaamiga C/qaadir Cali Muumin oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in ardayga dhameeyay masterka Jaamacada Islaamiga ah uu muujiyay dadaal aad u weyn, isagoo gaba gabadiina dar daaran wax tar leh u jeediyay  ardayda qeybaheeda kala duwan.