DHAGEYSO: Arday lagala baxay Jaamacad ku taalla Muqdisho

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay xarunta Jaamacadda Plasma ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamadaan oo ah kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gudaha u galay xarunta Jaamacadda , waxaana la sheegay in ay kala soo baxeen labo arday.

Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda ayaa Risaala u sheegay in ciidamada ay  u sheegeen in ay goobayaan dad gaar ah, islamarkaana ay isdejiyaan.

Sidoo kale goobta ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Nabad suggidda , kuwaasoo dhankooda bilaabay baaritaano.

Ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah Hay’adda Amniga kama bixin ardaydaasi laga soo qabtay Gudaha Jaamacadda.