38 arday oo Kenyan ah ayaa ku dhaawacantay Jaamacadda Kenyatta ee magaalada Nairobi, kadib markii ardayda oo ku jira qaybta maktabadda Jaamacada ay maqleen dhawaqa arday qeylinaysay.
Durbadiiba ardayda ayaa bilaabay inay kala cararaan, sidoo kalena qaarkood ayaa bilaabay inay daaqadaha Jaamacadda ka soo boodaan, taasi oo keentay in dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay bootinta daaqadaha Jaamacada iyo isbuurashada ay sababtay.
Waxaa la sheegay inuu buuqa ahaa Arday toorey lagu dhuftay iyo dadkii arkay oo qeylinaayey, waxaana la sheegay in ay Ardayda qaarkood dabaqa Sare ee Jaamacadda iska soo tureen, kadib, markii ay u qaateen inay Al Shabaab soo weerareen Jamaacadooda.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo Arday Kenyan ah sidan oo kale ay waxyeelo uga soo gaarto isbuurasho ka dhacdo Jaamacadahooda, xilli Ardayda Kenyan-ka ah iyaga oo dareemaya walaac badan oo dhanka amniga ku saabsan ay waxbartaan.
Intii u dhexeysay bilihii April ilaa bishii December ee sanadkii hore, ugu yaraan 2 arday ayaa geeriyootay, iyadoo 191 kalen ay dhaawacyo ka soo gaareen Isbuurasho ay sababtey cabsi ay ardayda ka qaadeen suurto galnimadda inay Shabaab soo weeraraan Jaamacadahooda.


