DHAGEYSO: Ammaanka Qardho oo la adkeeyay

Wararka naga soo gaaraya degmada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaas.

Gawaarida muraayadaha madow iyo sidoo kale kuwa xowliga ku socda ayaa laga joojiyey Qardho si loo adkeeyo ammaanka guud ee magaaladaas .

Taliyaha qeybta booliiska Karkaar ayaa sheegaya in isbedalo lagu sameynaayo amniga,islamarkaana amniga magaalada adkeyn doono  madaam uu shir ugu furmaayo dhaqanka Soomaaliyeed.

Gaanshaale Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in magaalada ammaankeeda la adkeeyey ,waxa uuna sheegay inta lagu dajiro shirka dhaqanka Soomaaliyeed oo ka furmaya magaalada Qardho in la hakiyey gawaarida muraayadaha madow.

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Qardho ayaa waxa kusii qulqulaayey waxgarad Soomaaliyeed oo ka qeybgalaya shirka Qardho.