Maamulka Ahlu sunna ayaa ka hadlay khasaaraha dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud oo u dhaxeeyay Ahlu sunna iyo ciidamo uu hogaaminayo Liibaan Madaxweyne oo horey kaga goostay Ahlu sunna.
Mursal Maxamed Xeefow oo ka mid ah Ahlu sunna ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in dagaalka ka dhacay magaalada Dhuusomareeb uu sababay khasaaro badan.
Ku dhawaad 12 ruux ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen dagaalka oo saqdii dhexe ee xalay ka bilowday magaalada Dhuusomareeb, waxaana jiro khasaaro hanti oo dagaalka ka dhashay.
Mursal, wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu sunna haatan si buuxda ay gacanya ugu hayaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Hoos ka dhageyso wareysiga


