DHAGEYSI: Wafdi Ballaaran oo gaaray Cadaado

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminaayay, ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.

Xareed Cali Xareed iyo Xildhibaanada la socda ayaa horay loogu diiday inay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, xilligii uu Xasan Sheekh dalka ka talinaayay, maadaama Xildhibaanadan ay kasoo horjeedeen Madaxweyne Guulleed.

Xildhibaan Duraan Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Risaala u sheegay in Wafdiga Xildhibaanada si caadi ah uga soo dageen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.