DFS oo sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Jubbada Hoose.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday Tuulada Maqooqa, oo qiyaastii 13km u jirta dhanka galbeed deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaasi oo si gaar ah loo abaabulay ayaa lagu dilay 37 xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal sare oo muhiim ah. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, duqeyntan qorsheysan ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaantay in Ciidamada Danab ay sii wadi doonaan howlgalka ballaaran ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyada oo la tixraacayo guulaha muuqda ee ay gaareen ciidamadu, kuwaas oo ah caddeyn dhab ah oo muujinaysa go’aanka adag ee dowladda ee ku aaddan difaaca dalka, badbaadinta shacabka, iyo sugidda amniga guud.