Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo saaka ka dhacday deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jamhuuriyadda Turkiga, ay adeegsadeen diyaaradaha dagaalka ee F-16, kuwaas oo bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, duqeynta waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Wasaaraddu waxay sheegtay in duqeymaha kaddib ay goobta ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo is xigay, kuwaas oo muujinaya in halkaasi lagu kaydinayay hub, walxaha qarxa iyo saanad ciidan. Waxa kale oo ay xustay in goobta ay yaalleen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo la sheegay in loo diyaarinayay weerarro lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dowladda Turkiga iyo saaxiibbada kale ee Soomaaliya ka taageera la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo caddeysay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.



