Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta Maleeshiyaad badan ku jabiyay weerar ay ku qaadeen degaanka Ceel Cali Axmed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
“Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo ciidamada xaq u dirirkaayaa jab xoogan gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah, waxaana ay ka hor istaageen isku daygoodii liitay. Ciidamada ayaa ku guulaystay inay laayaan maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana hadda ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed iyo deegaannada ku dhow dhow Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha dadka deegaanka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Duqeymaha ayaa weli ka socda degmada Ceelbaraf, mana cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta.




