DFS oo ku dhawaaqay in bisha dhalatay, berina ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidrigana

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in caawa ay dhalatay bisha Shawaal oo berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

 

Masuuliyiinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa qadadka taleefanka ku wareystay dad badan oo meelo kala duwan ka arkay bisha oo dhalatay.

 

Magaalooyinka Hargeysa, Caabudwaaq, Beledxaawo iyo Wallaweyn dad kala jooga ayaa culimada u sheegay inay arkeen bishii oo dhalatay, waxaana la dhaariyey dadkaas sheegay inay arkeen bisha.