DFS oo ka qeyb gashay shir looga hadlayay waxka qabashada fatahaadii Baarhdeere & Colaada kajirta dalka

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb-galay shirweyne looga hadlaayey xaaladda bani-aadannimo ee Soomaaliya.

Wafdigaan waxaa guddoomiyaha ku wehliyey wasiiru dowlaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada XFS Aadan Aw-Hirsi, waxayna masuuliyiintaan shirkaas ka jeediyeen khudbad ay uga hadlayeen xaaladda bini’aadinimo ee ka jirta Soomaaliya.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa u jeedadiisu ahayd sidii dalka Soomaaliya loogu tabaruci lahaa, looguna aruuri lahaa deeq maaliyadeed, si wax looga qabto arimaha bini’aadinnimo iyo barakacayaasha ka dhashay fatahaadaha Baardheere, iyo colaadaha ka jira dalka.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay wadamada deeqda bixiya, sida Midowga Yurub, China iyo wadamada Carabta, sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya hawlaha bini’adinnimada.