Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay weerarro gantaallo iyo duqeymo ah oo lagu qaaday kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka ee magaalooyinka Kassala iyo Port Sudan ee dalka Suudaan, iyada oo weerarradaas ku tilmaantay falal halis ah oo wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida gobolka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu muujiyay walaaca dowladda Soomaaliya ay ka qabto xaaladda sii xumaaneysa ee dalka Suudaan. Dowladda ayaa cambaareysay weerarrada lala beegsaday garoomo diyaaradeed, dekedaha, hoteello iyo xarumo rayid ah, iyada oo sheegtay in ficilladani ay xadgudub ku yihiin mabaadi’da caalamiga ah ee ilaalinta dadka rayidka ah iyo hantida guud ee bulshada.
“Dowladda Soomaaliya waxay si cad u diidday weerar kasta oo lagu beegsado kaabayaasha dhaqaale iyo hay’adaha rayidka ah, waxayna hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nolosha dadka reer Suudaan, adeegyada aasaasiga ah iyo hay’adahooda muhiimka ah.” ayaa lagu yiri.
Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqday beesha caalamka, dalalka gobolka, iyo hay’adaha ku shaqada leh arrimaha nabadda iyo xuquuqda aadanaha in ay laba jibbaaraan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo colaadda Suudaan. Waxay sidoo kale ku boorrisay dhinacyada isku haya dalkaasi in ay muujiyaan tanaasul, ayna furfuraan wadahadallo dhab ah oo horseeda xal waara oo ay ku wada lug leeyihiin dhammaan qaybaha bulshada Suudaan.
Port Sudan, oo ahayd goob ay ku barakaceen kumannaan qof oo kasoo qaxay dagaallada ka socday Khartuum iyo gobollada kale tan iyo 2023, ayaa la kulantay weerar duqeyn ah oo kale markii labaad toddobaadkan. Duqeymaha ayaa beegsaday xarumo ay ku jiraan dekedda, hotel iyo xarumo kale oo rayidku deggenaayeen, taas oo sii kordhisay khasaaraha nafeed iyo burburka hantiyeed.
Dowladda Soomaaliya waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta qiyamka bani’aadannimo, waxayna u muujisay shacabka Suudaan garab istaag buuxa. Dowladda ayaa ka digtay in sii socoshada colaadda ay halis weyn ku noqon karto amniga guud ee Geeska Afrika.




