Degmada Baraaawe oo laga Mamnuucay in Shirar siyaasadeed lagu qabto

Guddoomiyaha Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa guud ahaan mamnuucay in shirar siyaasadeed iyo kuwo keeni kara khilaaf lagu qabtao degmada Baraaw ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay gudaha degmada ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan dooni  shirarkaas, isla markaana dadkii ka dhego adeega amarkooda loo baahan yahay in hay’adaha amniga ay tallaabo sharci ah ka qaadaan.

Arintaan  ayaa kusoo aadaysa xilli dhowr jeer degmadaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Millateriga iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed.