Xildhibaanadi Mooshinka keenay oo taageeray go’aanka gudoomiye Mursal

Xildhibaanada soo gudbiyay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay ka tanaasuleen mooshinki ay keeneen kadib buuq iyo is qabqabsi hareeyey barlamaanka iyo madaxda dalka.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay ayagoo xaq u leh inay sii wadaan mooshinka ay uga tanaasuleen danta dalka iyo dadka.

Xildhibaan Maxamed Xasan oo ka mid ahaa xildhibaanadii mooshinka saxiixay oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay inay ka tanaasuleen mooshinka una soo jeediyeen gudoomiyaha inuu ka aqbalo tanaasulkaas.

War qoraal ah oo dhawaan uu soo saaray gudoomiye Mursal ayuu ku sheegay in uu buray Mooshinka Madaxweyne Farmaajo uguna baaqay xildhibaanada golaha shacabka in ay ka shaqeeyaan waxa uu ku tilmaamay hormarka dowladnimada Soomaaliya.