Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay heleyso ayaa tibaaxaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan uu soo saaray warqad uu ku sheegay in uu buray Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.
Warka qoraalka ah ee uu soo saaray Gudoomiye Mursal ayaa waxaa ka carooday oo kasoo hor jeestay xildhibaanada soo gudbiyay Mooshinka oo sheegay in Gudoomiyaha uu si qaldan kaga laabtay mooshinka madaxweynaha.
Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Gudoomiye Mursal.





