Xillibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS.
Doorasho ka dhacday caawa Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa wareegga ugu dambeeyay ku tartamay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Xasan Cabdi Nuur.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo loo kala helay sidaan.
Xasan Cabdinuur oo helay 89
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe 163.



