DEG DEG: Safiirkii Ruushka ee Turkiga oo la dilay

Ankara-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ayaa sheegaya in goor dhow oo caawa ah Toogasho lagu dilay safiirkii Ruushka u fadhiyay Dalka Turkiga Andrei Karlov.

Safiirkii Dalka Ruushka ee turkiga ayaa xilligii la dilayay waxa uu khudbad ka jeedinayay goob Munaasabad ay ka socotay oo ku taalla Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Nin hubeysan ayaa ka dambeeyay Dilka safiirkii Dalka Ruushka u fadhiyay Dalka Turkiga Andrei Karlov, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Ninka Rasaasta ku furay Danjire Andrei Karlov ayaa ku qeylinayay erayo ay ka mid yihiin “Ha iloobina inta aysan amaan aheyn Xalab iyo Suuriya adinkana inaad amaan heshaan”.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen weerarka, maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Shiinaha.

Sida uu sheegay TV Ruush ah, safiirka ayaa booqanayay madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay “Ruushka sida ay u arkaan Turkiga”.

Booliska Dalka Turkiga ayaa waxa ay wadaan baaritaano ku aadan cida ka dambeysay dilka safiirka Ruushka u fadhiyay Dalka Turkiga.

Sanadihii udambeeyay cilaaqaadka u dhaxeeyay Dalalka Ruushka iyo Turkiga ayaa ahaa mid aan wanaagsaneyn.