Togdheer-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay tageen Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.
Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka, Odayaal, Dhainyaro iyo Haween.
Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa uu kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka, waxaana uu kala hadlay Xaaladaha Ammaanka iyo Abaaraha.
Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay socdaalkiisa ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaanshihiisa Magaalada Buuhoodle, isagoo sidoo kale sheegay inta uu ku sugan yahay Gobolka Togdheer in Maamulka Gobolka uu kala hadlo doono arrimo ku aadan iskaashiga dhinaca amniga.
Maamulka Soomaaliland ayaanan weli ka hadlin socdaalka Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu ku yimid Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.



