DEG DEG: Rasaaseyn ka dhacday Wartanabadda

Wararka naga soo gaaraya degmada Wartanabadda ee gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Cali Kamiin ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen Gaari ay saarnaayeen dabley hubeysan.

Ciidamada dowladda ayaa ka shakiyay Gaariga ay saarnaayeen dabley hubeysan , waxaana ay ku fureen Xabado.

Ciidamada dowladda ayaa dhaawacay mid ka mid ah dableydii hubeysnayd, waxaana ay soo qabteen qori uu watay mid ka mid ah Dableydii Gaariga saarneyd.