Sri Lanka: R/wasaare Mahinda Rajapaksa oo is-casilay

R/wasaaraha Syri Lanka Mahinda Rajapaksa ayaa shaaciyey in uu iska casilay xilkaasi, waxa uuna sheegay in uu ugu daneenayo dadka dalkiisa.

Waxa uu saxiixay warqada is casilaada isaga oo joogo hoyga uu ku leeyahay magaalada Wijerama.

Is casilaadaan ayaa aheyd mid lasii saadaalinayey kadib markii maalinkii shalay ahaa, wiil uu dhalay Mahinda uu si hor u dhac ah u sheegay in uu is casilaayo Aabihiisa, kadib markii todobaadyo banaanbaxyo rabsahda wata ay ka dhacaayeen magaalooyinka waaweyn ee Syri Lanka.

Xubin ka tirsan Baarlamaanka Syri Lanka ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay is casilaada R/wasaaraha ayna la shaqeyn doonaan midka cusub ee xafiiska la wareegi doono.

Waxaa la rajaynayaa in banaanbaxayaasha ruxay dalkaasi ay joogsan doonaan, marba hadii uu meesha ka baxay Mahinda oo sababteeda lahaa carada banaanbaxayaasha badankood.