Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow kaniisad ku taalla Magaalada Danta ee Waqooyiga dalka Masar.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Qarax uu ka dhacay Gudaha Kaniisada ilaa iyo haddana aan la ogeyn waxa sababay.
Xogo laga helay nabad sugidda ayaa sheegay in goobta uu Qaraxu ka dhacay laga daad gureynaayo Meydad iyo dhaawacyo.
Qaraxu wuxu dhacay iyadoo ay socoto ducadii aroornimo, iyadoo ay maanta u dabaal dagayaan Masiixiyiinta dalkaasi mid ka mida maalmo diimeedka Masiixiyiinta Qibdiyiinta.
Qaraxani wuxuu ku soo beegmay iyadoo tobaneeyo cisho uun ka hor qaraxyo kale lala beegsaday xarun tababar oo ay leeyihiin ciidamada nabadgelyadu oo ku taal isla magaalada Dandaa, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari toban kalena lagu dhaawacay.


