Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay hogaaminayso wasiirka gargaarka iyo maaraynt Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed.
Wafdiga ayaa oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad Al Thani.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Sababta ay u tageen magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii Gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.



