DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu soo waramaya in uu ka dhacay degmada Cabdicasiis gaar ahaan xeebta Liido.

Qaraxa oo ahaa Mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay Iridda Hore ee hoteelka Elite ku yaalla xeebta kadibna waxaa la maqlay rasaas.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net