DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lala eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo uu watay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, balse uu ka badbaaday.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaar kamid ah askarta ilaalineysay taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir ay wax ku noqdeen qaraxa, waxaana Goobta xiray Ciidamada si loo qaado dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com.