Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goor dhow oo caawa ah lagu dilay Nabadoon caan ka ah Magaalada Muqdisho.
Dilkan ayaa dhacay salaadii Maqrib kadib, waxaana uu ka dhacay Agagaarka suuqa weyn ee Degmada Wadajir, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.
Nabadoon la dilay ayaa waxaa lagu magacabi jiray Muuse Ilka-weyne, waxaana kooxihii dilka geystay oo watay Bastoolado ay ka baxsadeen goobta.
Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaan ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.
Isniintii ina dhaaftay ayay aheyd markii Suuqa Bakaaaraha gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Bashiir Maxamed Cali, waxaana dilkiisa sheegtay Shabaab.


