Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe, ayaa Madaxda Madasha ugu baaqay in aanay ku mashquulin Madaxweynaha cusub ee la doortay, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa waxaa uu Madaxda Madasha uu ugu yeeray in fursad Madaxweynaha Somaliya loo siiyo uu ku soo xusho Ra’iisal Wasaarihiisa.
Isagoo saakay ka tagey Magaalada Muqdisho, ayuu sababta uu uga soo tagey waxaa uu ku sheegay in dad culeys ku haaya awgood, aanay u isticmaalin in uu fara-geliyo cidda uu soo magacaabayo Madaxweynaha.
C/raxmaan Sheekh Maxamed, ayaa tilmaamay in uu ku sii nagaan doono Garoowe inta laga soo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha, lagana soo xulayo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda.
Xildhibaan C/raxmaan Faroole oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Garoowe, ayaa shacbiga Somaliyeed ugu baaqay in ay taageeran Madaxweynaha cusub, iyadoo aanu buurnayn dhaqaalaha ay haysato dowladda.



