DEG DEG: Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland oo iscasilay

Agaasimihii guud ee Madaxtooyada  Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa Goordhow Magaalada Garoowe kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Puntland.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya is Casilaada Agaasimaha , waxaana Wararka ay sheegayaan in uu isku casilay khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Agaasime Deeq ayaa ka mid ahaa xubnaha ku dhow dhow Madaxweyne Gaas, waxaana xilkaasi loo magacaabay Sanadkii 2014tii.