DEG DEG: Leo Messi oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Leo Messi ayaa Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah Kadib Markii xalay Argentina laga qaaday Copa America.

Messi ayaa xalay khasaariyay Gool Kulaad xili dalkiisa uu khasaaro kala kulmay Chile sanadkii labaad oo xiriir ah final-ka Copa America.

“Ani ahaan waa iiga dhamaatay xulka qaranka, waan sameeyay wax kasta oo aan awooday, laakiin xanuunku waa in aanan noqonin horyaalka ayuu yiri Messi.

29 jirkaan ayaa u saftay dalkiisa 112 kulan isagoo kulankiisii ugu horeeyay ee xulka Argentina uu ciyaaray 2005-tii.

Argentina ayaa gool kulaad 4-2 ah lagu garaacay kulankii ay wajaheen Chile markii waqtigii caadiga ahaa ee ciyaartan uu ku dhamaaday 0-0.

Messi kuma guuleysan koob weyn tan iyo markii uu bilaabay inuu usafto dalkiisa inkastoo uu qeyb ka ahaa xulkii Argentina ee bilada dahabka ah kasoo hooyay ciyaarihii Olympics ee magaalada Beijing 2008-dii.

Argentina ayaa 1-0 lagu garaacay final-kii koobkii aduunka ee 2014 oo ay wajaheen Germany waxaa sidoo kale lagu garaacay saddex jeer oo xiriir u ah iyaga final-ka Copa America (2007, 2015, 2016).