Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Degmadaasi uu ka socdo Howlgal gaar ah.
Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu ka socdaa xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Waaberi.
Goobjooge lagu magacaabo C/laahi Yuusuf ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Howlgalka hada socdo ay jiraan dad lagu soo qab qabtay.
Ciidanka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihiii u dambeeyay waxa ay wadeen Howlgallo ay ka sameynayeen Degmooyinka Gobolka Banaadir.


