Ganacsade Saaka lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Goor dhow Afaafta Hore ee Suuqa Beerta degmada Waaberi ku dilay nin Ganacasade ah oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Sheekh Maxamed.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka ninkaan ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Sarifleyda ah.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay si nabad ah goobta kaga baxsadeen, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Ergooyinkii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka.