Waxaa iminka si aad ah loo maqlayaa dhawaqa gaadiidka gargaarka deg dega ee Ambulasta kuwaasi oo daabulaya dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ka dhacay barta koontoroolka ee laga gallo Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya.
Waxaa kale oo la maqlaya risaas ka dhacaysa dhanka uu qaraxa ka dhacay, lamana oga qaraxaani nuuca uu yahay balse waxaa xusid mudan in qaraxaani uu ahaa mid xoogan.
Sida muuqata qaraxaani ayaa waxaa ka dhasahay khaasaro nafeed iyo mid hantiyadeedba, waxaana idiian soo gudbin doonaa dhawaan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhasahay qaraxaani.



