DEG DEG-Dagaal dib uga qarxay Bariga Gobolka Mudug

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan  Bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay uu markale dib uga qarxay dagaal dhawaan laba maleeshiyo beeleed halkaasi ku dhex-maray.

Dagaalka oo aad u culus ayaa waxaa uu ka socdaa deegaano u dhow degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug,waxana dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayaan dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayo.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo weli ka socda Bariga Gobolka Mudug, iyada oo dadka qaarkood ay bilaabeen inay ka barakacaan deegaannada lagu dagaalamayo.

Dagaalka Saaka ka bilaawday deegaano ka tirsan Mudug ayaa kusoo beegmaya xilli maanta la filaayay inay halkaa ku baxaan Odayaasha iyo Culumo udiinka Gobolka Mudug si xal looga gaaro dagaal beeleedka.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com